Dad Fara Badan Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Pakistan.

pakistan-mmap-mdShirkadda duulimaadyada ee Wadanka Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradda ay Shirkaddu leedahay laga waayay Shaashadaha raadaadka gelinkii dambe ee maalintii Arbacada ee shalay waxyar kadib markii ay duushay.

Afhayeen u hadlay Shirkadda diyaaradaha ee dalkaasi ayaa sheegay in diyaaradda soo dhacday oo nooceedu ahaa ATR-42 inay sidday 47 rakaab ah, wuxuuna xusay in diyaaradda la waayay daqiiqado kadib markii ay ka duushay Garoon kuyaalla Mandiqadda Shiitraal ee Waqooyiga Pakistan, iyadoo kusii jeeday magaalada Caasimadda ah ee Islamabad.

Booliiska Maxalligaa ah ayaa goor dambe sheegay in diyaaradda ay ku dul bur burtay deegaan kuyaalla Waqooyiga dalka Pakistan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Mandiqadda Kheybar-Baakhtu ayaa sheegay in diyaaradda ay ku bur burtay dhul buuraley ah oo ku dhow magaalada lagu magacaabo Haaflayaan ee kaabiga ku heysa degmada Abot Abaad, taas oo caasimadda u jirta qiyaasatii 70 KM.

Wuxuu tilmaamay Sarkaalkaas in Kooxaha gurmadka ay gaareen goobta ay diyaaradda kusoo dhacday, iyadoo 500 oo Askari ay ka qeyb qaadanayaan howlaha gurmadka ee soconaya, waxaana illaa iyo hadda lasoo helay Meydadka 36 qofood.

“Diyaarad ayaa halkan kusoo dhacday, dadka deegaankuna waxay noo sheegeen inay arkayeen dab ka kacaya gudaha diyaaradda” sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP u sheegay Mas’uulka Bileyska ka tirsan oo lagu magacaabo Saciid Waziir.

Comments are closed.