Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dad Hor Leh Oo Lagu Dilay Duqeyman Ka Dhacay Guudhada Bari.
  • Allposts
  • Warar

Dad Hor Leh Oo Lagu Dilay Duqeyman Ka Dhacay Guudhada Bari.

March 13, 2018

Ugu yaraan 42 ruux oo horleh ayaa saacadihii ugu dambeeyey lagu dilay duqeymo xoogan oo ka dhacay deegaanada Guudhada bari xilli ciidamada xukuumada ay sii wadaan weerarka cirka iyo kuwa dhulka ah ee ay ku hayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ee gobolka.

Kooxaha firfircoon ee ku sugan magaalada Dooma oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka ayaa soo sheegaya in duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha Nidaamka aysan kala joogsi lahayn, si isku mid ahna u beegsanayaan dhamaan deegaaada Guudhada bari.

TV-ga rasmiga ah ee Nidaamka Al-Asad ayaa sheegay in ciidankoodu ay qabsadeen magaalada Mudeyra maalintii shaley, iyagoona sheegay in hadda cidamadu ay go’doomiyeen magaalada Dooma oo ay doonayaan in ay gudaha u galaan.

“Ciidamada dowlada ayaa hadda isku hareereeyey magaalada Dooma ka dib markii ay qabsadeen magaalada ku dhow ee Mesraba oo qiyaastii 10km u jirta bariga magaalada Dimishiq” ayaa lagu yiri war laga sii daayey TV-ga nidaamka.

Hormaradii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidamada Al-Asad waxay go’doon adag gelisay magaalooyinka Doma iyo Harasta sida ay sheegayaan warbaahinada, waxaana deegaanadaas ka socda duqeymo ba’an oo lagu argagax gelinayo dad rayadka ah ee ku go’doonsan deegaanadaasi.

Qiimeyntii ugu dambeysay waxaa lagu sheegay in Guudhada bari ay hadda ku go’doonsan yihiin ugu yaraan 400,000 oo dad ah kuwaas oo aanan heysan cunto iyo gargaar caafimaad.

Naashid lagu magacaabo Nuur Aadam ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 8 ruux lagu dilay mandiqadda lagu magacaabo Jobar oo ah magaallo dhanka bari kaga beegan Dimishiq, halka sidoo kalena 16 ruux oo kale oo ka soo jeeda hal qoys lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Dooma.

Tirada kale ee dadka lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyey waxaa la sheegay in lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanada Harasta, Zamalka, iyo Arbin sida uu sheegay Nuur Aadam.

Hay’adaha isha ku haya dagaalada Suuriya ayaa tilmaamay in ciidamada Nidaamka ay gobolka u kala qeybiyeen saddex qeybood, qeybwalibana si gaar ah loo go’doomiyey, iyagoo tilmaamay in gobolka look ala jaray, Dooma iyo hareeraheeda oo dhinac ah, Harasta oo dhacda galbeedka, iyo deegaanada kale ee dhaca koonfurta, waxaana mid waliba oo ka mid ah saddexdaas qeybood saaran go’doon xoogan.

21-kii cisho ee ugu dambeeyey waxaa duullaanka ballaaran ee ciidamada Nidamka ay ku qaadeen Guudhada bari lagu dilay ugu yaraan 1,099 ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan 227 caruur ah iyo 145 dumar ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay ugu yaraan 4,378 ruux.

Kooxaha difaaca madaniga ee mutadawiciinta ah waxay sheegayaan in mid ka mid ah weerarada lagu qaaday mandiqada Arbin ee Guudha uu ka mid ahaa mid loo adeegsaday maadada Foosfoorka loo yaqaano taas oo ka dhigan weerarkii labaad oo loo adeegsado hubka kiimikada oo uu adeegsado nidaamka maalma gudahooda.

Nidaamka Al-Asad ayaa inkiray eedeymahaas, wuxuu ku tilmaamay been abuur ay kooxaha mucaaradku ku doonayaan in ay ku qalqalgeliyaan howlgalka ay ka wadaan halkaasi.

Continue Reading

Previous: Diyaaradaha Maraykanka Oo Jubbooyinka Ku Duqeeyey Gaariga Ganacsade Caan ah.
Next: Akhriso Faahfaahin Laga Helayo Weerar Askar Badan Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Waqooy Bari Afghanistan.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.