Dad Shacab Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Duleedka Muqdisho.

Suuqa-ceelasha-biyahaSaacadihii lasoo dhaafay waxaa shil gaari ah oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho uu sababay khasaara nafeet.

Mid ka mid ah gaadiidka qaada Maandooriyaha qaadka oo ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dhanka degmada Afgooye waxa uu jiiray tiro dad shacab ah oo ku sugnaay wadada dhinaceeda.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhinta labo ruux oo gaariga qaadka sida uu jiiray waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad shacab ah oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Gaadiidka qaadka sida ayaa ah kuwoo xilli walbo si xowli ah ku socda kuwaasi oo ay si aad ah ugu dhib qabaan dadka iyo gaadiidka ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

 

Comments are closed.