Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dadweynaha Kenya Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalka Uhuru Kenyatta.
  • Allposts
  • Warar

Dadweynaha Kenya Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalka Uhuru Kenyatta.

May 9, 2018

Madaxweynaha dowlada saliibiyada ah ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maalintii shaley hadal ka soo saaray qarax xoogan oo horaantii todobaadkan ciidankiisa lagula eegtay duleedka degmada Dhoobleey ee wilaayada Jubooyinka kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad 15 askari laguna burburiyey gaari nooca dagaalka ah.

Uhuru Kenyaatta ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ku qirtay in qaraxaas lagu dilay ugu ayraan 9 askari oo ka tirsan Ciidamada wadankiisa, ayna askartu ku jireen rondo xilligii qaraxa lala beegsanayey.

“Aad baan uga naxay ugana murugooday markii aan maqlay in sagaal ka tirsan ciidamadeena ay ku dhinteen weerar argigixiso oo ka dhacay Soomaaliya. Ciidankaas waxay naftooda u hureen nabadgalyada wadankooda waana inaan tixgelinaa nafhurka ay sameynaya” ayuu yiri madaxweynaha dowlada saliibiyada Kenya Uhuru Kenyatta.

Hogaamiyahan Saliibiga ah ayaa sidoo kale Tacsi u diray dadkiisa kuna booriyey in ay muujiyaan dulqaad balse hadalkiisa sooma kordhin wax aan ka ahayn carro shacab iyo guux dadweyne oo albaabada u furay in dooddo horleh oo ay dadka Kenyaatiga ku falanqeynayaan masiirka ciidankooda ku dhiig baxaya Jaxiimada Soomaaliya.

Barta Twitterka ee uu soo dhigay qoraalkan ayaa la kulantay mowjado carro ah oo ka imaaneysay dadka KENYAATIGA ah ee isticmaala Twitterka kuwaas oo dhaliilo iyo eedeymo kulul u jeedinayey madaxweynahooda oo ay ku tilmaameen mid askartiisa ku baab’inaya dagaal aanan la ogeyn ujeedkiisa.

Being Jaarli oo ah qofkii ugu horeeyey ee ka soo jawaab celiyey qoraalka madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaa la gaaray xilligii aan dib u soo ceshan lahayn ciidamadeena, xoogana aan saari lahayn difaaca xuduudaheena”

Muwaadin kale oo lagu magacaabo Makenya Diyaama ayaa isna yiri: “Madaxweyne ilaa goorma ayaan u dulqaadan doona in ciidamadeenu u dhintaan sabab aan micno lahayn. noo soo celi ciidankeena. Waxay mudan yihiin in ay noolaadaan intii ay maala-yacni ku dhiman lahaayeen.

Doshon kiinyuwa Moneene,  oo sheegay inuu yahay ganacsade Kenyan ah ayaa isna yiri: “Warkaan ka soo yeeray madaxweynaha waxaa laga akhrisan karaa adoonsiga casriga ee maanta ka jira dunida, waxaan duullaano ku qaadeynaa deriskeena si aan u raali gelino kuwii na gumeysan jiray.

Dikson Niyaamu oo isna ka mid ahaa dadka ka warceliyey qoraalka madaxweynaha Kenya ayaa yiri: “Madaxweyne, Kenya kama sirdoon fiicna Mareykanka oo ku jilba murxay la dagaalanka  Al-Shabaab ee Soomaaliya. sidaas darteed anaguna ma awoodi karno inaan jabino wax waliba oo aan sameyno ee fadlan wiilasheena noo soo celi, Dowladu intii ku filan wey ka macaashtay dagaalka Soomaaliya ee noo soo celiya askarta.”

Dowladda Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamadeedu duullaanka ku soo galeen Soomaaliya wajaheysay dhaliilo iyo eedeymo kala duwan oo kaga imaanayey dadweynaha iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka kuwaas oo dalbanayey in dowladu soo afjarto dagaalka rajobeelka ah ee ay ku baaba’een ciidankooda ku sugan Soomaaliya balse Madaxda iyo siyaasiyiinta Hunguriga weyn ee heysata talada dalka ayaa weli ku adkeysanaya go’aankooda siina dheereynaya dhiigbaxa joogtada ah ee ka socda askartooda iyo muwaadiniintooda.

Ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa kumanaan ciidamo ah ku waayey dagaallo iyo howlgalo ba’an oo ay kala kulmeen Mujaahidiinta tan iyo markii ay soo galeen wadanka waxaana weeraradii lagu xasuuqay ciidankooda ka mid ahaa duullaanadii Ceel-Cadde iyo kulbiyow oo lagu dilay boqolaal askari.

Sidaas oo kale dowladan ayaa boqolaal ka mid ah muwaadiniinteeda saliibiyiinta ah ku weysay howlgalo ballaaran oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha Kenya waxaana duullaanada lagu xasuuqay gaalada KENYAATIGA ka mid ahaa weeraradii WestGate. Garissa iyo Mpeketoni kuwaas oo galaaftay nolosha saliibiyiin badan oo KENYAATI AH.  Wadankana ka abuurtay qalqal amni oo dhibaato xoogan u geystay dhaqaalaha wadanka.

Continue Reading

Previous: Akhriso Maxkamada Wilaayada Islaamiga Sh/hoose Xad Rajmi Ah Fulisay.
Next: Askar Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid Ee Muqdisho.

Related Stories

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.

November 21, 2022
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -28-4-1444-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -28-4-1444-Hijri.

November 21, 2022
Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.