Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Hilwaa Ee Magaalada Muqdisho.

mujaahidiinta alshabaab saf ku jiraCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga degmada Hilwaa oo ah fariisinka ugu weyn ee maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen degmada Hurwaa ee magaaladan Muqdisho.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah duleedka magaalada.

Dagaalka oo dhacay xilli habeen ah waxaa adag in la helo xogta rasmiga ah ee ku aadan khasaaraha maleeshiyaatka dowlada kasoo gaaray dagaalka’iyadoona dadka ku dhaqan nawaaxiga saldhiga ay sheegeen in dagaalkii xalay uu ahaa midkii ugu cuslaay ee in muddo ah ka dhacay saldhiga.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli habeen hore ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin tiro madaafiic ah ay ku garaaceen xerada Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Kufaarta AMISOM ay ka sameysteen gudaha dalka Somalia.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.