Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey galinkii dambe ee shalay dagaal culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Ugu horeyn ciidamada Mujaahidiinta waxey beegsadeen difaacyada iyo fariisimaha maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen degmada Qoryooley’iyadoona markii dambe dagaalka uu ku fiday difaacyada Kufaarta AMISOM ee duleedka degmadaasi.
Dagaalka oo socday ku dhawaad labo saac oo xiriir ah waxaa jira khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo ciidamada Kufaarta AMISOM iyo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Qoryooley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney arkeen meydadka saddex askari oo ka tirsan dowlada Ridada iyo dhaawaca hal askari oo isla maleeshiyaatka dowlada ah.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha guud ee ciidamada Afrikaanta shisheeyaha ah kasoo gaartay dagaalkaasi.
Calamada.com