Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka sameysteen duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Dagaalkan waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si gaar ah ugu qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Puntland ee deegaanka Sugure ee duleedka magaaalada Boosaaso.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo hoostaga magaalada Boosaaso,si rasmi ahna wali looma xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed ee maleeshiyaatka Cabdi Wali Gaas kasoo gaartay dagaalkaasi.

Dagaalkan ka dhacay deegaanka Sugure waxa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay weeraro u badan qaraxyo oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen duleedka Boosaaso waxaa lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka Puntland gaadiid dagaalna waa looga gubay maamulkaasi Ashahaado la dirirka.

Calamada.com

Comments are closed.