Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Gobalka Gedo.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen saldhig ciidamada Kufaarta Kenya ay ka sameysteen deegaan ka tirsan gobalkaasi.

Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Fafaxdhuun ee gobalka Gedo,waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si gaar ah u beegsadeen saldhiga ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen deegaankaasi.

Dagaalkan oo dhacay fiidkii hore ee xalay waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Gedo.

Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in dagaalka uu ahaa mid culus islamarkaana ay jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo ciidamada Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Dagaalkan waxa uu imaanaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada Kufaarta iyo kuwa Murtadiinta.

Calamada.com

Comments are closed.