Dagaal Culus Oo Ka Socda Deegaanka Warmaxan Ee Gobalka Shabeelada Hoose.

01Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa aroornimadii hore ee saaka waxey dagaal culus ku qaadeen fariisinka maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen deegaanka Warmaxan oo ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Dagaalka ayaa ah mid aad u culus waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka laga maqlayo gooba fara badan oo ka tirsan gobalka Shabeelada hoose sida degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn.

Dadka deegaanka oo si hordhac ah ula hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalka wali uu socda islamarkaana ciidamada Mujaahidiinta la wareegeen qaar ka mid ah difaacyada maleeshiyaatka dowlada ee deegaankaasi.

Warmaxan waa deegaan istiraatiiji ah oo dhaca wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

Calamada.com

Comments are closed.