Dagaal Culus Oo Lagu Qaaday Wazaaradda Gaashaandhiga Muqdisho.

Fiidkii hore ee Caawa waxaa dagaal culus lagu qaaday dhismaha Wazaaraddii hore Gaashaandhiga ee magaaladan Muqdisho’iyadoona dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafado badan oo ka tirsan magaaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jiha ka weeraray Wazaaradda oo fariisin ay u tahay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee caawa ka dhacay Wazaaradda Gaashaandhiga Muqdisho oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta fariisinka u ah ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.