Dagaal Gaadiid Dagaal Lagu Gubay Oo Sh/dhexe Ka Dhacay.

dagaal kamiinWararka ka imaanya gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.

Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ku dhawaad 15km u jirta deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Shabeelada dhexe’iyadoona dagaalka uu dhex maray ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo dhinac ah iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo dhinac ah.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka dagaalkaasi looga gubay gaari Cabdi Bile ah.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in Kufaarta iyo Murtadiinta tiro askar ah oo isugu jirta meydad iyo dhaawacyo ay ula carareen dhanka deegaanada Ceelbaraf iyo Biyo cadde.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli shalay qarax ka dhacy duleedka degmada Mahadaay askarta Burundi looga gubay Booyad shidaal sidoo kale tiro askar ah ayaa Afrikaanta baqti iyo dhaawac kaga noqotay qaraxaasi.

Calamada.com

1 Comment
  1. hassan says

    اللهم الأنصر الإسلام. آمين

Comments are closed.