Wararka Ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in habeenkii xalay dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada kaasi oo dhex maray ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Xabashida Itoobiya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta weerar culus ku qaadeen kolanyo ka tirsan ciidmada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo ku sugnaay halka loo yaqaana Ula Jarad oo hoostagta degmada Ceelbuur.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Galgaduud.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka si toos ah ay uga qeyb qaadanayeen gaadiidka dagaalka Mujaahidiinta’waxeyna Idaacadu oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta intaasi ku dartay in dagaalka lagu gubay saddex gaari oo qeyb ka ahaa gaadiidka dagaalka ee Xabashida Kufaarta Itoobiya.
Sidoo kale Idaacada ayaa intaasi ku dartay in inka badan 30 ka tirsan askarta Xabashida Itoobiya baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen dagaalka’iyadoona cadiimada Mujaahidiinta gacanta ku dhigeen qaniimo rasaas ah oo Itoobiyaanka laga qabsaday.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xabashida Itoobiya dagaalkan looga saaray deegaanka Ula Jarad’iyagoona hadda ku sugan banaanka hore ee degmada Ceelbuur.
Calamada.com