Dagaal Hub Lagu Qabsaday Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen maleeshiyaat ka tirsan kuwa Murtadiinta ee ay tababaratay dowlada Saliibiyadda Mareykanka kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Kamiinkan ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyaatka Murtadiinta lagu gaarsiiyay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed,waxaana isa soo taraya faahfaahinada laga helayo weerarkaasi dhabba galka ah.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay gacanta ku dhigeen Hub kala duwan oo uu ku jira qoriga RBG hubkaasi oo ay lahaayeen maleeshiyaatka daacada u ah dowlada Mareykanka ee halkaasi Kamiinka loogu dhigay.

Dhowr jeer weeraro kala duwan oo ciidamada Xarakada Alshabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ayey ku dileen askar iyo saraakiil isugu jirta American,Kenyaati iyo kuwa Murtadiinta.

Calamada.com

Comments are closed.