Dagaal Iyo Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada maleeshiyaatka Dowlada Ridada ay ka sameysteen degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.

Saldhiga la weeraray ayaa ah midka maleeshiyaatka dowlada ay ka sameysteen dhismaha Warshadii hore Nacnaca ee degmada Hilwaa,dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafada badan oo ka tirsan Muqdisho.

Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka maamulka Murtad Farmaajo lagu gaarsiiyay dagaalkaasi maadaama weerarka uu dhacay xilli habeen ah.

Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey sarkaal ka tirsan dowlada Ridada ku dileen deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan la dilay ayaa ka tirsanaay qeybta Minishiibiyada ee Lacagaha Baada ah ka qaada dadka shacabka,ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa horay usii qaatay gaari nooca raaxada ah oo uu watay sarkaalkan ay dileen.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.