Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ay ka sameysteen mid ka mid ah deegaanada gobalka Jubbada Hoose.
Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Qooqaani oo ay duulaan ku joogaan askarta Saliibiyiinta Kenya, Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan islamarkaana ay jirto khasaara kala duwan oo Saliibiyiinta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Dhanka kale qaraxyo khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaatka Maamulka Murtad Axmed Madoobe iyo Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka ayaa ka kala dhacay degmooyinka Kismaayo iyo Afgooye oo ka kala tirsan Wilaayaatka Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose.
Dagaalka iyo qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen deegaanka Taabto ee Jubbada Hoose, Iyadoo dagaalkaasi khasaara lagu gaarsiiyay askarta Kenya.
Calamada.com