Dagaal Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada Qoryooley.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay dhigteen mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.

Isbaarada la weeraray waxey maleeshiyaatka dowlada ay dhigteen Tuulada Dal-biyaango oo u dhaw deegaanka Danow ee duleedka degmada Qoryooley,dagaalkan waxa uu dhacay Saqdii dhexe ee xalay.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jiha ka weeraray Isbaarada waxaa goobta isbaarada ka dhacay dagaal muddo socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu dambeyntii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la wareegay gacan ku heynta goobta isbaarada u aheed maleeshiyaatka dowlada taasi oo gabi ahaan ay burburiyeen ciidamada Xarakada Alshabaab.

Isbaaradan la weeraray ayaa aheed isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay si joogta ah ugu dhibaateyn jireen dadka iyo gaadiidka Safarka ah.

Calamada.com

Comments are closed.