Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Ciidamada Xarakad Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay dagaal ku qaadeen saldhigyo magaalada Afgooye ee Shabeellaha hoose ku leeyihiin ciidamo katirsan dowladda federaalka.

 

Dagaalka oo in muda ah socoday, islamarkaana dadka deegaanka ay maqlayaan rasaasta la isku adeegsanayay ayaa la rumeysanyahay inuu geysatay waxyeello soo gaartay ciidamada dowladda.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal culus uu xalay saqdii dhexe ka dhacay Afgooye gaar ahaan xaafadda Buula Fooliyo, xoogaga Al Shabaab ayay suuurta gashay in ay la wareegeen dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah iyo laba Mooto oo ay isticmaalayeen ciidamada dowladda.

Comments are closed.