Dagaal Ka Dhacay Degmada Afmadow Ee Gobalka Jubbada Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen saldhig ku yaala degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose.

Saldhiga dagaalka uu ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Saldhiga Dabaqa waana saldhig xarun u ah maleeshiyaatka maamulka Gaala raaca Murtad Axmed Madoobe,waxaa dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo xilli habeen ah dhacay wali si rasmi ah looma xaqiijin inta uu la egyahay khasaraaha nafeet iyo midka hantiyadeed ee maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Axmed Madoobe kasoo gaartay dagaalkaasi.

Dagaalka ka dhacay degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose waxa uu kusoo aadayaa xilli habeenkii xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal ay kula wareegeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Calamada.com

Comments are closed.