Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraray guriga gudoomiyaha degmada Jalalaqsi iyo saldhigga ay ciidamada Murtadiinta Jabuuti ku leeyihiin degmada.
Wararka naga soo gaaraya Jalalaqsi ayaa waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada Al-Shabaab mar qura weerareen labadaasi bartilmaameed oo dacalka isku haya.
Hub iyo culus iyo mid fudud ayaa laga maqlayay degmada waxaana culeyska ugu daran wajahayay ciidamada Jabuuti, sidoo kale waxaa toos loo weeraray guriga gudoomiyaha oo saldhigga ku dheggan.
Xilliga uu weerarku dhacayay waxaa guriga ku sugnaa gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana illaa hadda aan la ogeyn haddii ay wax yeello gaartay iyo in kale.
Ciidamada Jabuuti waxay dagaalka uga qeyb qaadanayeen boobayaan iyo madaafiic ay kasoo ridayeen dhufeysyadooda iyo bartanka xerada.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka hawl gala Hiiraan ayaa Jabuutiyaanka iyo Xabashida u diiday iney sahayda si fudud isku gaarsiiyaan, waayo mar walboo ay dhaqaaqaan weeraro xiriir ah ayay la kulmaan, taasna waxaa usii dheer xeryahooda oo lagu weeraro.