Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay dagaal culus kaasi oo faahfaahin laga helayo.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si toos ah u weeraray saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka sameysteen deegaanka Galgala oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Boosaaso,waxaa dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa Saraakiisha Mujaahidiinta ee dagaalkaasi hogaaminayay ayaa baahisay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen tiro ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Puntland kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyay magaalada Boosaaso.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey mudooyinkii dambe sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maamulka Puntland oo ka mid ah maamulada dowlada Xabashida Itoobiya ka dhisatay dalka Somalia.

Calamada.com

Comments are closed.