Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Mujaahidiinta Waxey weerar culus ku qaadeen Isbaaro maleeshiyaatka Murtadiinta aydhigteen qeybo ka mid ah wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada Hoose.

Isbaarada sida gaarka ah ciidamada Mujaahidiinta u weerareen waxey maleeshiyaatka Kooxda Ridada dhigteen deegaanka Xaawo Cabdi oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray isbaarada waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Isbaarada ciidamada Mujaahdiiinta ay weerareen ayaa ah isbaaro maleeshiyaatka Muratdiinta ay si aad ah ugu dhibaeteeyaan dadka iyo gaadiidka Shacabka ee ku socdaala wadadaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xillli maalintii shalay ciidamada Mujaahidiinta ka Jihaada gudaha magaalada Muqdisho ay howlgalo gaar ah oo ay ka kala fuliyeen degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley ay ku kala dileen Labo askari oo Murtadiin ah kuwaasi oo sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ay ka qaniimeysteen Labadii qori ee ay ku hubeysnaayeen Labadaasi Murtad.

Comments are closed.