Dagaal Ka Dhacay Gobalka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose ee Konfurta dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobalkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar qorsheysan ku qaadeen difaacyada ciidamada Kufaarta Nasaarada Kenya ay ka sameysteen deegaanka Taabto ee gobalkaasi.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlay deegaano ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in dagaalkan uu ka mid noqonaya dagaaladii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Nasaarada Kenya ku dhexmaray deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli sidoo kale weeraro lagu dilay askar ka tirsan shisheeyaha saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhaceen gobalada Shabeelada dhexe iyo Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Soomaaliya.

Calamada.com

Comments are closed.