Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in habeenkii xalay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen mid ka mid ah degmooyinka Shisheeyaha iyo maleeshiyaatka la socda kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.
Ciidamada Muslimiinta ayaa weerarkan culus ku qaaday degmada Qoryooley’iyadoona dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka waxa uu xoogiisa ka dhacay difaacyada maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen gudaha degmada’iyadoona ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay difaacyo ka sameysteen duleedka degmadaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka markii muddo kooban uu socday kadib ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Dagaalka oo xilli habeen ah dhacay waxaa adag in la helo xogta rasmiga ah ee ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Calamada.com