Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen kolanyo ka tirsan askarta dowladda federaalka oo ku sugnaa deegaan hoostaga degmada Cadalle ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Dagaalkan waxa uu ka dhacay agagarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadalle waxaa dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray kolanyadan Murtadiinta ah, Iyadoo dagaalka markii muddo uu socday maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ay bilaabeen iney goobta isaga cararaan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaalkan kusoo furtay oo kusoo Ganiimeystay Labo gaari oo kala ah Taw iyo Hartoob iyo sidoo kale hub fara badan.
Maleeshiyaatka dowladda Ridada Farmaajo oo gabi ahaan lagu jabiyay dagaalka ayaa goobta kaga cararay meydadka tiro askar ah oo intii dagaalka socday la dilay.
Calamada.com