Dagaal Toos Ah Oo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Ka Fuliyeen Gudaha Baydhaba.

Ciidamada jamhadda Mujaahidiinta xarakada Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay waxay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin ciidamada DF ay ka samaysteen xaafad ka mid ah xaafadaha degmada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka oo ahaa mid toos ah waxay ciidamada wilayada Baay si gaar ah ugu ekeeyeen fariisinka ciidanka maamul goboleedka Koonfur galbeed ay ka samaysteen xaafadda Daafuur oo kutaal waqooyiga magaalada Baydhaba ee wilaayada Baay.

Iska hor’imaad hubeysan oo u dhaxeeyay labada dhinac ayaa ka dhacay xaafadda waxaana markii dambe dagaalka looga itaal roonaaday oo la jabiyay maleeshiyaadka maamulka la magac baxay koonfur galbeed kuwaas oo isaga cararay fariisinka waxaana iska hor’imaadyada ka dhashay khasaare culus oo soo gaaray maleeshiyaadka maamulka Laftagareen.

Inta la ogyahay waxaa weerarkaas qorsheysan lagu dilay hal askari oo ka tirsanaa maleeshiyada maamulka ay xaruntiisu tahay magaalada uu weerarku ka dhacay sida ay ku warantay Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka xarakada shabaabul Mujaahidiin.

Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaal toos ah uu ka qarxo magaalada Baydhaha hasa ahaatee dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale ciidamada jamhadda Mujaahidiinta wilaayada Bay dhimbilahooda u gaarsiyeen magaalada halkaas oo lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka koonfur galbeed.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

1 Comment
  1. Mohamed Alfatih says

    Masha allah the mujahideen always say let your hand be high

Comments are closed.