Dagaalka Hoteel Dayax OO Galay Saacadii Labaad.

dayax 222Iyadoo saacad ka hor ciidamado Ingimaasiyiin ah oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gudaha u galeen hoteel Dayax oo ah hoteel ay daganyihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlada Ridada federaalka waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan dagaalka ka socda gudaha hoteelka.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta oo gudaha u galay hoteelka ayaa ka dagaalamaya gudaha hoteelka’iyadoona maleeshiyaatka nabadsugida dowlada federaalka ay ka dagaalamayaan albaabka hore iyo banaanka hoteelka.

Dhawaaqa rasaasta culus ee la isku weydaarsanaya dagaalka ka socda hoteelka ayaa laga maqlayaa qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho’iyadoona dagaalkan uu galay saacadii labaad.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.