Dagaal Ka Dhacay Qoryooley Iyo Diyaarad Soo Caga Dhigatay Degmadaasi.

Mujaahidiinta dagaal hdCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa dowlada federaalka ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada hoose’iyadoona dagaalka uu socday muddo saacad ah.

Qaar ka mid ah dadka degmada oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay iney jiraan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo askarta shisheeyaha iyo kuwa dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay dagaalkaasi.

Barqo nimadii maanta waxaa degmada Qoryooley soo caga dhigatay diyaarad Elecobtar ah taasi oo goobta ka qaaday tiro askarta Shisheeyaha oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalkii xalay ka dhacay degmadaasi.

Calamada.com

Comments are closed.