Dagaallo Culus Oo Ka Kala Dhacay Duleedka Muqdisho Iyo Gobalka Sh/hoose.

Ciidmada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaallo culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kufaarta iyo kuwa Murtadiinta ay ka sameysteen degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobalada Shabelada hoose iyo Gedo ee Konfurta dalka Somaliya.

Dagaalka Kowaad waxey ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ku qaadeen saldhig ay maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin inta u dhaxaysa degmooyinka Kaxda iyo Dharkeynleey.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay deegaanka Tuurka Cali Janaale waxaana lagu qaaday goob saldhig ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka PS-ta dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, idaacadda Andalus  ayaa xaqiijisay in xaqiijisay in ‘ciidamada Mujaahidiintu’ ay cagta mariyeen saldhig kuyaal deegaanka Tuurka Cali Janaale.

Dhinaca kale saldhigyada ciidamada Kufaarta Afrikanta ee degmooyinka Qoryooleey iyo deegaanka Ambareeso Baraawe ayaa markale xalay la kulmay weeraro xooggan oo uga yimid dhanka Al Shabaab.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarada ka dhacay duleedka Muqdisho iyo degmooyin katirsan gobolka Sh/Hoose.

Comments are closed.