Dagaallo Culus Oo Mar Kale Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta  Al Shabaab ayaa weeraro ku qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka uga suganyihiin dhowr xaafadood oo katirsan degmada Huriwaa ee waqooyiga Muqdisho.

Weerarka koowaad ayaa lagu qaaday saldhigga Shaneemo Cabdi Waayeel ee ku dhow isgoyska SOS, goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta garneellada garbaha laga gemo oo lagu weerarayo saldhigga iyo hugunka rasaas lays dhaafsanayay.

Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa lagu qaaday saldhig maleeshiyaadka DF-ka uga suganyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee isla degmada Huriwaa, weeraradan ayaa imaanaya xilli waddooyinka Muqdisho ay xireen maleeshiyaadka Xasilinta caasimadda.

Meel aan sidaas uga fogeyn goobaha lagu dagaallamay oo ah xerada Maslax waxaa ku xayiran gaadii farabadan oo dad rakaab ah ka qaaday degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Comments are closed.