Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Daraasad:” Iclaamka Al-Shabaab..hormuudka Saxaafadda Jihaadiga”.
  • Allposts
  • Warar

Daraasad:” Iclaamka Al-Shabaab..hormuudka Saxaafadda Jihaadiga”.

July 5, 2017

Daraasad cusub oo ay baahisay Xarunta Daraasaadka ee “THE WASHINGTON INSTITUTE FOR NEAR EAST POLICY” ayaa lagu qaadaa dhigay Jamaacaad ay ka mid ah tahay Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya iyadoona lagu qiimeeyay guluf dagaaleedka ka horjeeda iyo sida ay uga hortagayaan.

Daraasaddan oo ka koobneyd 124 bog, isla markaana guud ahaan ka hadashay Al-Qaacidda iyo faracyadeeda iyo qaabkii ay kaga badbaadeen ” Drones-ka, Kacdoonnadii Carabta iyo IS” ayaa tilmaamtay Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya in ay dhinac iska marisay taxaddiyo waaweyn oo soo wajahay, haba ugu badnaadeene dilalka hoggaamiyeyaasheeda oo uu ka mid ahaa Sheekh Abu Zubeyr.

Xarakada Al-Shabaab ayay sheegtay diraasadu in inkastoo aaney maamulin magaalooyin waaweyn sida Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo, hadane ay si joogto ah saameyn ugu leeyihiin arrimaha dalka Soomaaliya.

Daraasadda ayaa xustay in Xoogaga Al-Shabaab ay si taxaddir leh u waajahaan xaaladaha la soo gudbaanaada oo xittaa ay ku jiraan isku dhacca ay kala kulmaan beelaha qaarkood ee ku sugan deegaannada ay maamulaan.

Mar ay Diraasadu soo hadal qaadday Iclaamka Xarakada Al-Shabaab ayay sheegtay in ay isu arkaan iney yihiin ” Hormuudka Saxaafadda Jihaadiga” waxaana daraasaddu ay arrinkaas ku micneysay in Iclaamka Al-Shabaab uu awood u yeeshay maareynta dhacdooyin muhiim ah sida Weerarkii Westgate iyo weerraradii cuslaa ee dhawaanahan ay la kulmayeen Ciidamada Afrikaanka ee Soomaaliya jooga.

Daraasaddan oo ay ka qeyb qaateen khubarro badan oo reer galbeed ah ayaa tiri ” Al-Shabaab oo isu arka Boqorrada Saxaafadda Jihaadiga ayaa sii wada adeegsiga xirfadahooda xagga Warbaahineed si ay u soo bandhigaan warka dhankooda” .

Marka ay timaado in lagu loollamo ka warbixinta dhacdooyinka dhexmara Al-Shabaab iyo dhinacyada ka soo horjeeda, waxey daraasaddu sheegtay warka Al-Shabaab inuu u dhigan yahay qaab aad uga macquulsan kan cadowgooda.

“Warkooda sida ay doonaan ha u dhigeene -haba leexsanaadee-, laakin waa mid fadhiya oo socon kara marka loo eego warka ay baahiyaan cadowgooda” ayay tiri diraasaddu.

Dhanka dagaalka Warbaahinta, waxey Daraasaddani sheegeysaa in ay Al-Shabaab isugu geysay qeybo kala duwan oo maqal iyo muuqaal leh kuwaas oo la fal-gala dhacdooyinka taagan, waxaana ay xuseen Idaacadda Andalus iyo Mu’assasada Al-kataib, iyagoo ku sii daray in ka sokow warbaahinadooda, ay Al-Shabaab adeegsadaan Warbaahinnada Caalamiga ah sida BBC iyo Al-Jazeera.

Continue Reading

Previous: Dhageyso Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan Waxaan Mamnuucnay Lacagta Been Abuurka Ah.
Next: Dhageyso Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Related Stories

Akhriso Weeraro Lagu Beegsaday Xarumaha Shisheeye Iyo DF.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Weeraro Lagu Beegsaday Xarumaha Shisheeye Iyo DF.

November 27, 2022
Qarax Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Xamar.
  • Allposts
  • Warar

Qarax Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Xamar.

November 27, 2022
Sacdiya Yaasiin Oo Sheegtay Inay Ansixin Doonto Xeer Gaalnimo Ah.
  • Allposts
  • Warar

Sacdiya Yaasiin Oo Sheegtay Inay Ansixin Doonto Xeer Gaalnimo Ah.

November 27, 2022

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.

November 26, 2022
Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.