Deerow Dhaqane Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu dilay mid kamid ah Odoyaasha ka qeybqaatay soo xulista xubnaha Baarlamaanka dowladda federaalka

Deerow Dhaqane Maxamed oo kamid ahaa ergada soo xulay xubnaha baarlamaanka maamulka gaala raaca “Jubbaland” ayaa lagu toogtay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo ka tirsanyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay odeygan, waxaana markaas kadib ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Ugaarsi gaar ah ayaa lagu hayaa Odoyaasha ka qeybgalay soo xulista xubnaha Baarlamaanka dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Comments are closed.