Faah Faahin : Ciidamada Mujaahidiinta Oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Moqokori.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen degmada Moqokori.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa cagta mariyay saldhigyo melleteri oo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay uga sugnaayeen degmada.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in dagaal socday ku dhowaad hal saac uu gudaha magaalada ku dhaxmaray ciidamo Al Shabaab iyo maleeshiyaad boqolaal ah oo dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti soo abaabuleen.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Mujaahidiintu ay dagaalka ku qabsadeen sedax gaari oo mid kamida uu yahay nuuca ciidanka xammbaara halka labada kale ay yihiin nuucyada raaxada oo ay saraakiishu isticmaalaan.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay ufirxadeen dhanka degmada Buula Burde, ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa gaaf wareegaya Moqokori iyagoo baaritaanno ka wada saldhigyadii ay deganaayeen askarta iyo saraakiisha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay qabsadeen Keydad hub ah oo maleeshiyaadka dowladda ay ka sameysteen gudaha magaalada Moqakori.

Dabayaaqadii bishii shacbaan ee lasoo dhaafay ayay Moqokori gaareen Maleeshiyaad katirsan DF-ka oo ay gelbinayeen ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan, intii ay cadowgu ku sugnaayeen magaalada ayay geysteen falal dambiyeedyo ka dhan ah dadka shacabka ah.

2 Comments
  1. abuu sahra says

    allahu Akbar walillahilxamdu cadowga allahajabiyo mujahidintana gull allahasiyo

  2. Aadam Shariif xasan says

    Maaashaa alaah ilaaahow garabsho gal mujaaahidiinta waxaan jooga baydhabo magaceygu waa Aadam xasan guul guul guul waa waxa aad u dhimaneysaan waa لتكون كلمة الله هى العلى

Comments are closed.