Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso Abwaan C/llaahi Somali Oo Gabay Ka Tiriyay Furashada Ceelbuur.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso Abwaan C/llaahi Somali Oo Gabay Ka Tiriyay Furashada Ceelbuur.

April 10, 2017

Saxafiga Cabdullaahi Yaasiin Jaamac ayaa tiriyay gabay Cusub oo ku saabsan dib u xuroobidii magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

 
Gabayga ayaa ku bilaabanaya sidan.

 
Ilaahay ninkii caabudaa ciribsamaadaaye,
Caasinimo midkii daa’imaa waa cadiban yaaye,
Caloolyoowga gaalada iyo ceebta iyo hoogga,
Iyo guusha caawaahi waa caadil mahiddiiye,
Ceelbuur kufrigii degee ciidanada boobay,
Cood iyo cid taageertiyo ciidan garabsiiya,

Caano kama helin iyo cadiin lagu casuumaaye,
Iyo gabar cillaan saratoo cuud u shidataaye,
Waxa caasha loogaga hubsaday caaradii waran’e,
Ceel la helay wixii lagu eryado amase ceel qooxle,
Wixii lagu cirdeystoo rasaas lagu canaantaaba,
Ceel garas wixii miinadu uga cabaadsiido,
Jeexan wixii lagu ceyriyee lagu cagaagshaaba,
Dabqurun wixii lagu ceshado jeer cad ceed kulula
Wabxo cirifyadeeda wixii lagu ciqaabaaba,
Ciridkiyo wixii maartu ay cunaha jiidhaaba,
Calooshiyo wixii beerka ay uga cubnaataaba,
Calyo iyo dhiig iyo wixii carun ka hooraaba,
Waxay meyd cardaadiiqa ay cawo u yeeshaanba,
Carraabiyo jarmaadey galeen waana carareene,
Ciridiyo kuleylkiyo hurkey caga gubyoodeene,
Iyagoo culaab badan siday cuufta ku hayaane,
Cammarkii allaa naga weday aan citimineyne,
soomaalida waxaan ugu ciyaa oon cod ugu sheegi
reer ceelbuurka ceynkood noqda weyga cila dhaane.
Cisi iyo sharaf bay dhaxleen umadda ceelbuur’e,
cadawgiyo cawaankiisibey cudud u sheegteene,
Cabiidsiga ma yeelaan iyo gaal la caabudo’e,
candhadeey waxay uga dhuftaan caabuq shay dhalin’e,
Casharkey dhigeenuu nafluu ku cibro qaataaye,
sida cidaha qaar ay yihiin oo cariga jooga,
oo cad weyda goortay arkaan uu cajibanaayo,
coomada sidiisii yagaan coofka soo cululin’e,
calmaaniga iscoofaariyee kibir la ceegaaga,
diintana cudur moodayee kuna calaanyooda,
cadhoolaha camaabareysan iyo caaqa iyo daalim
caada caate mey weshadaan caalle iyo tuuge,

culumada islaamkaa xilkii loo cimaamaday’e,
odayaduna wey caawiyaan caafimaad qaba’e,
cuqdaddii iyo ciiki iyo ciifadiyo riinki
colaaddii sokeeyaha iyo camalki shaydaanka,
calankii jihaadkaa bedelay oo la caashaqey’e,
asigaa cirkaa jooga oo caadka marayaaye,
quraafaadki caadada iyo caama dhaqankeedi
qurunkii la cuul cuuli jiray ceynka loo jaray’e,
Caqiiqadoodu waa saafi oo aadanuhu cowrye
Car iyo dhanaan malaha oo ways catiriyeen,
soomaalida waxaan ugu ciyaa oon cod ugu sheegi
reer ceelbuurka ceynkood noqda weyga cila dhaane.
Cadarre iyo ceel shiil iyo cadayo guudkiisa,
Carre weyniyo caga caddiyo ciidda bariyoo dhan,
Xiindheere cadduunkiisiyoo ciirtu qubaneyso,
Maalin nugur cagaarkoo baxaa harafka oo ciiray,
Ceel meygaag casir liiqiyo cimiladoo rooba,
Ceel magay cashiirada degtiyo teerya cada dheere,
Inaan cagaha goor wada dhigaan caawa hamiyaaye,
Xareedoo cankoodiyo dhirtoo wada caleemowday
Ceel jiir intaan sii maroo kuna cibaadeysto,
Ceelbuur ku yaallaan jeclaa inaan ku ceeshaaye.
soomaalida waxaan ugu ciyaa oon cod ugu sheegi
reer ceelbuurka ceynkood noqda weyga cila dhaane.
Calmadoow caluuliyo qardhiyo tan iyo ceel daahir
Carmo iyo ceri gaabiyo caynabiyo saaxil,
Cali geri dhulkuu dego iyo ciidda habaryoonis
Ogaadeenka caanka halkuu culus ku maalaayo,
Cobaliyo camadlaha jidwaaq caawda kula jiifo,
Ceel waaq iyo cows qurunka gedo inta ku casheeye
Ceelcadihii lagu ceejjiyee Kenya laga caajay
jilibtii camba iyo qudaar caanka ku ahayday,
cadaliyo caddow uul iyo caadley gudaheede,
caaldheer,mareeg iyo intii ciga duleedkeede,
Caad iyo camaariyo hobiyo ceyr intuu degaba.
Casmariyo cadan iyo ciraaq caaradaha maali
Cirirada ree yurub iyo caasimada ruushka
Caalamkoo dhanbaa laga ogyay guusha kuradkaaye,
Cataaaw iyo cakuyaan wax terin callala uuseede,
Caamilintuu waa ooyayaane caawa idilkoode,
Caraduu dhintaan oran kuwaa calaq daneeyaaye,
soomaalida waxaan ugu ciyaa oon cod ugu sheegi
reer ceelbuurka ceynkood noqda weyga cila dhaane.

Halkan Ka Dhageyso Gabayga Abwaan Wariye Cabdullahi Somali.

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Dhageyso Sh/Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Weerarka Ka Dhacay Agagaarka Wazaaradda Gaashaandhiga.
Next: Iska Hor’imaad Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Related Stories

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.
  • Allposts
  • Warar

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.

November 21, 2022
Xaalad Halis Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Mandheera.
  • Allposts
  • Warar

Xaalad Halis Ah Oo Ka Taagan Cisbitaalka Mandheera.

November 21, 2022
Howlgallo Ka Kala Dhacay Banaadir Jubbooyinka Iyo Bakool.
  • Allposts
  • Warar

Howlgallo Ka Kala Dhacay Banaadir Jubbooyinka Iyo Bakool.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.