Dhageyso Askar Hub Kala Soo Goostay Axmed Madoobe Oo Towxiidka Loo Qabtay.

TowxiidkaMunaasbad ballaaran oo ka dhacday magaalada Jilib ee gobalada Jubbooyinka waxaa lagu soo bandhigay askar kasoo goostagay maamulka Gaala raaca Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.

Askartan lasoo bandhigay towbadana loo qabtay ayaa ka yimid magaalada Kismaayo, waxa ay ka sheegeen kadib wareysi idaacada andalus ay layeelatay dhibaatooyinka maleeshiyaadka ku heysata magaalada kismaayo,daruufaha xaga dhaqaale iyo sababta ku keentay in ay iminka diinta ay usoo laabtaan allena u towbad keenaan.

Labo qori oo nooca AK.47 ayay wateen maleeshiyaadka lagu soo bandhigay degmada Jilib,maamulka islaamiga ee degmada jilib ayaana u lacageeyay qoryihii ay lasoo goosteen,ugu dambeyntii ayay baaqqyo ujeediyeen saaxiibadoodi ay kaga soo tageen magaalada Kismaayo in ay ka towbad keenaan gaalnimada ay ku dhaceen islamarkaasina nabad galyo ay ku heli doonaan meel waliba oo ay soomalia katagaan.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Askarta Soo Goosatay.

Calamada.com

Comments are closed.