Dhageyso Askar Kasoo Goosatay Maamulka Axmed Madoobe.

apartment_bond_194(1).jpgMagaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxaa si isdaba joog ah ugusoo qulqulaya maleeshiyaad baxsad ah oo kasoo goostay maamulka dabadhilifka ah ee ‘Jubbaland’ isku magacaabay.
Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa xaqiijinaya in tobaneeyo maleeshiyaad towbadkeen ah ay isku dhiibeen maamullada Islaamiga ah ee taabacsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Munaasabad ka dhacday magaalada Jilib ayaa lagusoo bandhigay illaa Afar askari oo kasoo goostay deegaanka Cabdalla Biroole oo Jubbada Hoose katirsan.

Askar iyo saraakiil is dhiibay ayaa ka sheekeeyay duruufaha adag ee soo wajahay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe, waxgarad katirsan salaadiinta Jubbooyinka ayaa iyana faah faahiyay qulqulka towbadkeenayaasha ee isku dhiibaya wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Halkan Ka Dhageyso Askarta Axmed Madoobe Kasoo Goosatay.

Calamada.com

1 Comment
  1. luqmaan khaalid says

    Masha allh qul qulka ridadu waxay kutusaysaa
    Niyad jabka haysta gaalo raacyada
    Alle habur buriyo qudhunka ay gaaladu dabada ka riuxayso

Comments are closed.