Dhageyso Askarta Itoobiya Dhacdo Naxdin Leh Ka Geystay Galgaduud.

itoobiya Xabasha Nasaara ahWararka naga soo gaaraya Galgaduud gaar ahaan duleedka deegaanka Wabxo ayaa xaqiijinaya in ciidanka xabashida ay gumaadeen tiro dad xoolo dhaqato ah.

Gumaadka ayaa u dhacay rasaas ay fureen iyo gaadiidka Taangiga oo ay jiirsiyeen qaar ka tirsan dadkii deegaanka,haweeney uur lahayd sida tayna canug yar ayaa lagu soo warramayaa inay jiirsiyeen gaari taangi ah halka sidoo kale uu dhaawac garaab ah yahay canugii yaraa.

Warar kale ayaa sheegaya in ninkii qabay haweeneydaas dhimatay ay dhaawac gaarsiiyeen cadowga kadibna ay sii dhameystireen,dhammaan dadka la laayay ayaan waxba ka galabsan cadowga Xabashida Itoobiya.

Halkan Ka Dhageyso Sida Dhacdada U Dhacday.

Calamada.com

Comments are closed.