Kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday qeybo ka mid ah wilaayada Baay iyo Bakool waxaa diyo ku kala qaatay beelaha Dabarre iyo Yantaar oo qeyb ka ah beelweynta Raxanweyn.
Ugaaska Beesha Dabarre oo goobta munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in boqol neef oo Geel ah ay ku wareejiyeen beesha Yantaar oo ah beesha wax laga dilay ee la gadoonsiiyay Diyada.
Sidoo kale Malaaqa beesha Yantaar oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay iney la wareegeen boqolka Neef ee diyada ah’sidoo kale waxa uu amaan u jeediyay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Halkan Ka Dhageyso Munaasabada Diyada Lagu Kala Wareegay.
Calamada.com