Wararka laga helayo magaalada Gaarisa oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali ayaa sheegaya in habeenkii xalay ciidamada Xarkada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen mid ka mid ah deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Deegaanka Haluuqa oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Gaarisa ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen fiidkii hore ee xalay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka’iyadoona ciidamadii Nasaarada Kenya ee deegaanka ku sugnaay ay cagaha wax ka dayeen kadib markii ay ka war heleen in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin deegaanka kusoo dhawaadeen.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gudaha u galay saldhiga iyo sidoo kale dhisamaha xarunta maamulka deegaanka Haluuqa ee hoostaga magaalada Gaarisa.
Halkan Ka Dhageyso La Wareegida Haluuqa.
Calamada.com