Dhageyso Faahfaahin Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Sh/hoose.

Qarax miino4545Labo qarax oo siyaabo kala duwan loogu beegsaday maleeshiyaad katirsanaa murtadiinta ayaa ka kala dhacay deegaanada Warmaxan iyo Tixsiille ee hoostaga degmada Wanla-weyn oo ku hoos jirta gacanta cadowga.

Qarax weyn ayaa lagu beegsaday isku imaatin maleeshiyaadka ay kaga sugnaayeen Warmaxan inta la xaqiijiyay 6 kamid ahaa maleeshiyaadka ayaa weerarkaasi qaraxa ah ku dhintay tiro kalana waa ay kudhaawacmeen.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa lagu beegsaday difaacyada maleeshiyaadka ay kaga sugan yihiin deegaanka Tixsiile kaas oo qasaare kala duwan murtadiinta lagu gaarsiyay.

Sarkaal katirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa idaacadda islaamiga Andalus uxaqiijiyay in qaraxa Tixsiile ay kudhinten ilaa 4 askari kuwo kalana waa ay kudhaawacmeen.

Halkan Ka Dhageyso Qaraxyada.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.