Dhageyso Kulan Muhiim Ah Oo Kusoo Gabagaboobay Magaalada Ceelcali.

odayaasha dhaqanka Islaamiga 55Degmada Ceelcali ee gobalka Hiiraan waxaa kusoo gaba gaboobay kulan ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay gudaha degmada uga socday ma’uuliyiinta Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan iyo sidoo kale waxgaradka beesha degta degmadaasi.

Munaasabadii lagu soo xirayay kulanlka waxaa mas’uuliyiintii ka hadashay ka mid ahaa Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan iyo sidoo kale ugaaska guud ee beesha Gaaljecel oo ah beesha degta degmadaasi.

Waaliga ayaa ugu baaqay beesha Gaaljecel gaar ahaan jufada degta degmada Ceelcali iney dhaqan galiyaan qodobadii lagu hishiiyay ee kasoo baxay kulanka mudada ka socday magaaladaasi.

Sidoo kale Ugaaska guud ee beesha Gaaljecel Ugaas Xuseen oo goobta munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in beesha Gaaljecel ay ka go’antahay iney sii xoojisa kaalinta kaga aadan dagaalka Jihaadka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Jufada degta magaalada Ceelcali oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa balan qaaday iney dhaqan galinayaan qodobadii lagu hishiiyay.

Ugu dambeyntii goobta munasabada waxaa laga aqriyay bayaankii kasoo baxay kulanka ee ay isku afgarteen Wilaayada Hiiraan iyo Beesha Gaaljecel kaasi oo dhowr qodob ka koobnaay.

Halkan Ka Dhageyso Kalimada Waaliga.

Halkan Ka Dhageyso Ugaaska Guud Ee Beesha Gaaljecel.

Halkan Ka Dhageyso Bayaanka Kulanka Kasoo Baxay.

Calamada.com

Comments are closed.