Dhageyso Maxkamada WI Galgaduud Oo Xad Dil Ah Fulisay.

fagaaraha xadu ridaaMaxkamada Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ayaa fulisay xad ka mid ah xuduuda Allaah’iyadoona goobta fagaaraha ay soo xaadireen kumanaan ka mid ah bulshada ku dhaqan gobalkaasi.

Xadkan oo ahaa mid dil Qisaas ah waxey maxkamada Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ku fulisay wiil dhalinyaro ah oo horay mid ka mid ah deegaanada gobalka Galgaduud ku dilay wiil kale oo dhalinyaro ah.

Mid ka mid ah Qudaada Maxkamada Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ayaa goobta fagaaraha ah ka aqriyay Xukunka Maxkamada’iyadoona dadka shacabka ee ku sugan fagaaraha ay hal mar wada Takbiirsadeen kadib markii si toos ah loo guda galay fulinta Xadka.

Halkan Ka Dhageyso Xukunka Maxkamada.

Halkan Ka Dhageyso Ehelada Wax Qisaastay.

Calamada.com

Comments are closed.