Dhageyso Odayaasha Dhaqanka Oo Ka Hadlay Xasuuqa Shabeelada Hoose.

gaadiidka-kufaarta-amisom221Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Afrikaanta xasuuq naxdin leh ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose waxaa arintaasi si kulul uga hadlay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Nabadoon Muxamed Mayow Abuurkar oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelada hoose oo la hadlay warbaahinta Islaamiga ah ayaa si caro lah uga hadlay xasuuqii shisheeyaha kula dhaqaaqeen dad shacab ah.

Nabadoonka waxa uu xusay in labadan dhacdo naxdinta leh qeyb ka yihiin dhibaatooyinka joogtada ah ee Kufaarta Afrikaanta ku hayaan dadka shacabka.

Habeen hore ayeey aheed markii ciidamada Shisheeeyaha dileen 6 ruux oo shacab ah waxey sidoo kale gubeen gaari Hoomey ah oo dadkaasi shacabka ah ay la socdeen.

Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxey ciidamada Kufaarta gaari Taangi ah hooya iyo shan caruur ah oo ay dhashay ku jiirsiiyeen deegaanka Ceelwareegow ee isla gobalka Shabeelada hoose.

Halkan Ka Dhageyso Nabadoon Mayow.

Calamada.com

Comments are closed.