Dhageyso Roob Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Magaalada Ceeldheer.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Roob si aad ah loogu diirsaday uu ka da’ay magaalada Ceeldheer oo ka tirsan gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Roobkan ayaa ku da’ayay magaaalada inka badan Labo saac oo xiriir ah kaasi oo ay siweyn ugu diirsadeen dadka iyo duunyada.

Sidoo kale Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano badan oo u dhaxeeya degmooyinka Ceeldheer iyo Galhareeri oo ka wada tirsan gobalka Galgaduud.

Dhanka kale Ganacsatada iyo bulshada ku dhaqan magaalada Ceeldheer ayaa bilaabay uruurinta Raashiin gurmad ah oo ay ugu tala galeen iney gaarsiiyaan dadka abaaraha saameysay ee ku dhaqan gobalada dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Roobka Ceeldheer.

Calamada.com

Comments are closed.