Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso Sh. Xassan Yacquub “Afarta Sano Ee U Harsan Murtad Farmaajo Waa Inoo Dagaal.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso Sh. Xassan Yacquub “Afarta Sano Ee U Harsan Murtad Farmaajo Waa Inoo Dagaal.

calamada February 19, 2017 3 min read
68

Sh Xasan Yacquub Cali 1438Markii ugu horraysay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war rasmi ah kasoo saartay Doorashada Max’med Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha dowlada Federaalka.

 
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo kamid ah Mas’uuliyiinta Al Shabaab ayaa sheegay in Farmaajo uu lamid yahay hoggaamiyaashii horay usoo maray dowladda Federaalka islamarkaana uuba ka daranyahay marka loo eego in uu yahay muwaadin Mareykan ah islamarkaana reer galbeedku ay dibadda kusoo tababareen si uu cadowga ugu gacan geliyo dhulka soomaaliyeed.

“Annagu Haddaan muslimiin nahay waxaan leenahay Miizaan ama halbeeg aan wax ku cabirno, qof kasta oo khilaafa halbeegaasi shareecada islaamku jidaysay buudka ayaa lagula tumanayaan waana lala dirirayaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Al Shabaab waxay ka dhawaajisay in Farmaajo uu waxyaaba badan uga khatar badanyahay madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray marka loo eego dhanka dhaqanka iyo diin naceybka.

“Farmaajo kufri iyo gaalnimo ayuu wadaa isaga ayaana ka shar badan kuwii hore oo dhihi jiray waxaan ka shaqeynaynaa danta dalka dadka iyo diinta, balse Farmaajo Tabeelihiisa waxaa ugu qoran danta dalka iyo dadka  wuxuu yiri wax diin layiraahdo iga fogeeya” Sheekh Xasan Yacquub.

Mas’uulkan u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa carrabka ku adkeeyay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan DF-ka iyo ciidamada shisheeye isagoona shacabka Soomaalida uga digay in ay ku dagmaan dhagaraha cusub ee Farmaajo adeegsanayo isagoo carabaabay in iskusoo baxyadii Farmaajo lagu taageerayay ee Muqdisho ka dhacay ay soo abaabuleen NGO-yo dhaqaale lagusiiyay buun buuninta mashruuciisii cusub.

“waxaan rabnaa in aan sheegno.. muslimiintu waa in aysan ku kadsoomin waa in ay ogaadaan in waxaan isbedelaya yihiin gaal degaya iyo gaal imaanaya, waa gaal degaya oo gaal kale oo kasii daran lagu bedelayo..mid kaafir ah ayaa imaanaya afar sano ayuu joogaa waxaa imaanaya kaafir kale oo kasii daran ayaa la keenayaa hadda midka ugu dambeeyay oo gaaladu ay keeneen midka ugu sharta badan weeye” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sheekh Xassan Yacquub.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in Gole ay leeyihiin Soomaalida kirishtaanka ay si diirran usoo dhoweeyeen dowladda Farmaajo arrinkaasi oo aan horay u dhicin.

Xarakada Al Shabaab waxay shacabka Soomaaliyeed uga digtay in ay ku kadsoomaan maamulka Farmaajo ee u caysan Itoobiya iyo reergalbeedka.

Sheekh Xassan Yacquub wuxuu sheegay in xilligii Shariif Sh.Axmed xukunka qabtay ay ku dagmeen qabiillada qaar sida Jufada Agoonyar Abgaal oo dagaal aan dantooda aheyn la geliyay islamarkaana 4,000 oo wiil dagaallada looga dilay.

Sidaas si lamid ah Xassan Gurguurte ayaa isku dayayay in uu dagaalka geliyay beesha Waceysle Abgaal ee uu ka dhashay balse markii Itoobiyaanku Galguduud geeyeen maleeshiyaadkii lasoo khalday dagaal kadib ayay isdaba qabteen oo ay ka joogsadeen in ay xaabo unoqdaan mashruuc shakhsiyadeed oo cadowgu gadaal kasoo riixayay.

“Afar sano oo Farmaajo u dhiman  yaan lagu halgaasamin, cid allaale ciddii Farjaamo raacda waa lalaynayaa, qabiilkii Farmaajo raaca ama ciddii dana kale ku raacda waa lalaynayaa, mujaahidiintu waa idiin digayaan Nin kuu digay kumuu dilin” ayuu markale yiri Sheekh Xassan Yacquub.

Mas’uulkan ayaa soo hadal qaaday in Farmaajo uusan aheyn muwaadin soomaaliyeed balse uu yahay muwaadin Mareykan ah wuxuuna ku celceliyay in Farmaajo uu yahay midka ugu sharta badan dhanka akhlaaqda iyo diinta marka loo eego hoggaamiyaashii Dowladda Federaalka soo maray.

Xarakada ayaa soo sardisay khaladaadkii ugu horreeyay ee uu Farmaajo ku dhaqaaqay sida kulamadii uu layeeshay Jeneraal Gabre madaxa sirdoonka Itoobiya ee Soomaaliya ,safiirka Turkiga ee Muqdisho  iyo safiirka Mareykanka iyo hadalkiisi ahaa in ciidamada AMISOM ay dalka sii joogayaan inta laga dhisayo ciidan Soomaaliyeed!.

Ugu Dambeyn Xarakada Al Shabaab waxay si cad u sheegtay in Farmaajo ay kula tacaamulayso sidii ay ula tacaamushay dowladihii ay madaxda ka ahaayeen C/llaahi Yuusuf, Shariif  Sheekh Axmed iyo Xasan Gurguurte.

Halkaan ka degso Kalimadda Sh.Xassan Yacquub ee arrinta Farmaajo MP3

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weerar Gaadiid Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Gobalka Kaabul.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo, 22-05-1438 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.