Dhageyso Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Oo Raashiin U Qeybisay Qoysas Abaartu Saameysay.

Raashiin IxsaanKadib markii qaar kamid ah degmooyinka iyo degaanada gobolka Sh/hoose saameyn ku yeesheen abaaraha, ayaa wuxuu maamulka gobolku billaabay tallaabo uu dadkaasi ugu gurmanayo oo dhowr marxaladood ka kooban.

 

Ugu horreyn wilaayada ayaa waxay magacawday guddi heer gobol ah oo shan xubnood ka kooban, si ay marka hore xaaladda usoo qiimeeyaan.

 

Guddiga ayaa si degdeg ah u guda galay hawsha, isgaoo ku wareegay gobolka, siiba meelaha uu jiilaalku saameeyay, waxaana usoo baxday iney lagama maarmaan tahay in shan degmo looga hawl galo sida ugu dhaqsiyaha badan, kuwaasoo kala ah:

 

Baraawe, Kurtunwaarey, Qoryooley, Tooratoorow iyo Wanlaweyn, waxaana xusid mudan in guddigu ay had iyo goor dersayeen, nolosha dadka, inta ay la eg tahay baahida biyaha, xaaladda waraha, nolosha xoolaha iyo faydhowrka guud.

Maalintii shalay oo Jimco aheed waxey Wilaayadu raashiin kala duwan u qeybisay 176 qoys oo isugu jira dad ay abaaruhu soo bara-bixiyeen iyo kuwa tabaaleysan oo degaanka ku nool.

Halkan Ka Dhageyso Raashiin Qeybinta.

Calamada.com

1 Comment
  1. Abufatima says

    U gurmada xagaad garab gashaan gooriyo ayaane
    Gaarsiiya biyihiyo cuntada goomanaha baahan
    Gargaaruhu Ilaah weeye oo gacanti way nayde
    Gamaan kiyo Yaxoob Sade lo diyo gaabanow Ariye
    Gacmo Maran ku wii hayn jaray galabta joogaane
    Gaban gaab say koran in badan kurusku gayf naaye
    Gucle orodka wiilashii yaqiin gaabshe socod kiiye
    Gacal waa shabaab oo quriyo geeshka tawxiide
    Geesiyada islaam kow kocoo biyaha gaadh siiya
    Gaal kiyo cawaan kiis malahan Aadmi garad kiiye
    Guulaysta yaalow kocoo gaara shacab kiina

Comments are closed.