Dhageyso Shacabka Muqdisho Oo Ku Dhib Qaba Saldhigyada Iyo Maxkamadaha Dowlada Federaalka.

saldhiga-degmada-howlwadaagMagaalada Muqdisho waxaa ku yaala saldhigyo iyo Maxkamado fara badan oo ay leedahay dowlada Ridada Federaalka kuwaasi oo gabi ahaan ah saldhigyo iyo Maxkamada u furan si lacago baad ah looga qaada shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo kuwa kale ee Shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada kasoo raafaan goob ka baxsan magaalada Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ugu dhib qaba Maxkamadaha iyo saldhigyada dowlada Ridada federaalka ee ku yaala magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalin walbo lacago baad ah oo xad dhaaf ah looga qaada dadka shacabka.

Mid ka mid ah Waalidiinta ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacada Islaamiga ee Andalus ayaa sheegay in shaqo kale aan loo furan Saldhigyada iyo Maxkamadaha dowlada Ridada ee ku yaala magaala Muqdisho balse loo furay in lacago baad ah looga qaata shacabka Masaakiinta ah.

Aabahan oo sababo dhanka amaanka ah magaciisa u qariyay ayaa xusay in darbiyada Saldhigyada Muqdisho lagu wada qoray Sharcigu waa Jeebkaada taasi oo micnaheedu tahay in qofkii lacag leh uu ka badbaadayo xabsiyada dowalada Ridada federaalka qofkii aan lacag laheen lagu xukumayo inuu ka tirsanyahay Argagaxisada oo ay ula jeedaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Sidoo kale Aabahan waxa uu intaasi ku daray in raafka ay sameeyaan maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ay tahay mid loogu tala galay in shacabka looga qaato lacago baad ah maadaama qofkasta oo lasoo xiray ehelkiisa looga iibsanayo lacago fara badan sida in la jooga Suuqa Xoolaha Nool lagu kala iibsado.

Aabahan waxa uu sidoo kale intaasi raaciyay in lacago baad ah maalintiiba dhowr jeer laga qaato qofkasta oo doonayo inuu guri cusub ka dhisto magaalada Muqdisho ama gurigiisa uu dayactirto taasi oo qeyb ka ah dhibaatada Murtadiinta ku hayaan shacabka Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso Dhibaatada Heysata Shacabka Muqdisho.

Calamada.com

Comments are closed.