Dhageyso Sheekh Cali Dheera Oo Ka Hadlay Qaadka Muqdisho Laga Hakiyay.

sheekh-Cali-dheera1Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere oo Caawa waraysi siiyay idaacadda Alfurqaan ayaa ka hadlay sida ay u arkaan qaadka dowladda Ridada federaalka sheegtay inay joojisay.

Sheekh Cali waxa uu sheegay in duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya  uu qeyb ka yahay qaadka oo lagu mashquulinayo dadkii la rabay in dalka ay difaacaan oo ay horumar gaarsiiyaan.

“Ragga Xamar Fadhiya warkooda iskuma toosnam dhankooda ayuu ka buray oo waxa uu kasoo degay Gaalkacyo.Guriceel Kismaayana Dooman ayaa Lagu keenaa”ayuu Yiri Sheekh Cali.

“Qaadka Ma joojin karaan kuwa madaxda sheeganaya maxaa yeelay  iyaga ayaa cuna“ayuu raaciyay hadalkiisa.

Asbaab badan ayuu sheegay dowlada inaysan ku joojin karin qaadka.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in qaadka laga joojiyay wadamo gaallo ah balse Soomaaliya aysan jirin cid ka naxaysa.

Sheekh Cali Dheere ayaa umada ugu baaqay inay kitaabka ulaabtaan oo ay iska difaacaan kuwa horarka ah ee kusoo duulay dalka.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Cali.

2 Comments
  1. Barre says

    Maraykanka iyo yurub waa ay ka mamnuuceen qaadka dalalkooda.
    Dalkeenna iyo dadkeennana waa hubka ugu weyn oo ay ku baabi’iyeen.
    Murtadiintuna waa kuwii suuragaliyey, in shacbiga lagu baabi’iyo daroogo. Waayo iyagaa keena oo ka taajirey dhiigga dadka.
    midda kale ciidamada kenya iyo itoobiya baa wadanka ka taliya, iyagaana wixii la keenayo mamnuuci kara ama ogolaan kara ee murtad loo taliyo ma waxbuu diidi karaa?
    Badeeco iskaba dhaafe, qof aan kiinya iyo itoobiya raali ka aheyn oo soomaali ah, soomaaliya mana joogi karo mana imaan karo!!!.

  2. Ayuub cabdiraxmaan abshir says

    Arintaan waxaan kaleeyahay Murtadiinta kama aha khaad joojin ee waa khilaafa canshuur oo kadhaxeeya ayaga iyo kuwakeena khadka illaheey umada muslimka hakaqabto

Comments are closed.