Dhageyso Sheekh Cali Dheere Oo Ka Hadlay Socdaalkii Qarsoodiga Uhuru Kenyatta Ku Tagay Degmada Dhoobley.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere)  Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in socdaalka Uhuru uu ahaa mid ku salaysan in uu niyadda u dhiso ciidankiisa  ku dhiig baxaya dagaalka Soomaaliya ka socda  iyo in uu taageero uga helo dadka Kenyaatiga ah marka lagaaro waqtiga Doorashooyinka.

Afhayeenka ayaa soo hadal qaaday sababta Kenyatta uu socdaalkiisa ula socodsiin waayay hoggaanka dowladda Federaalka  “wax dowlad ah dalka kama jiraan dalka waxaa jooga calooshood u shaqeystayaal doqomo ah, Uhuru Kenyatta waa Nin booqanaya dhul ciidamadiisu qabsadeen mana ogeysiin murtadiinta” ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

Wuxuu sheegay in maamulka Kenya taabacsan uu sanado ka hor magaalada Kismaayo ka masaafuriyay wasiirro katirsanaa dowladdii Xasan Gurguurte kadib markii ay sidaas amartay dowladda Kenya.

Sheekh Cali dheere ayaa ku nuux nuuxsaday sida dowladda Kenya u bahdishay Hoggaanka Dowladda Federaalka taasi oo khilaafsan sheegashada  madaxda DF-ka ee ah in ay yihiin Hoggaamiyaal qaran!

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Cali Dheere.

Calamada.com

Comments are closed.