Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi gaar ah oo Idaacada ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga Mudug Sheekh Cabdi Qaadir Xaaji Abuu Cadnaan waxaana waaliga uu ka hadlay arimo muhiim ah.
Ugu horeyntii waaliga waxa uu ka warbixiyay xaalada guud ee gobalka Mudug’isagoona xusay in bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada ay gacanta ku heysa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ku yaala gobalka Mudug ay ku nool yihiin amni ballaaran oo ay ka dhex heleen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Sidoo kale Sheekh Abuu Cadnaan waxa uu faahfaahin ka bixiyay howla biyo dhaamin ah oo wilaayadu ay sameysay iyo gurmad ballaaran oo isugu jira Raashiin iyo daawo oo Jamciyada Al-ixsaan Al-kheyriyah ay ka qeybisay gobalka Mudug.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Mudug.
Calamada.com