Dhageyso Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Degmada Afmadow.

Mujaahidiinta dagaal hdWararka ka imaanaya degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen degmada Afmadow oo gudaheed iyo duleedkeeda ay fariisimo ka kala sameysteen ciidamada Nasaarada Kenya iyo kuwa maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo hoostaga degmadaasi.

Dadka degmada oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalka markii muddo uu socday maleeshiyaatka Murtadiinta ay u carareen difaacyada Nasaarada Kenya ee duleedka degmada’iyadoona ugu dambeyntii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.

Sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen difaacyada Nasaarada Kenya ee duleedka degmada Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose.

Halkan Ka Dhageyso Dagaalka Afmadow.

Calamada.com

Comments are closed.